Liverpool  Oo Sidii Xili Ciyaareedkii Hore Ku Fikiraysa Inay Burburiso Porto.

0
55

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku qaabilaysa FC Porto lugta hore ee wareegga siddeed-dhamaadka tartanka Champions League, waxaanay niyadda ku haysaa inay mar kale ku celiso burburintii xili ciyaareedkii hore u geysatay Porto oo ay isku haleeleen marxaladda 16-ka.

Kulankii ugu dambeeyey ee labada naadi ee dhacay xili ciyaareedkii hore, Liverpool ayaa guul weyn oo 5-0 ah ka gaadhay Porto, laakiin kooxda reer Portugal ayaa isbeddel weyn ka samaysay sidii ay ahayd 13 bilood ka hor, waxaanay si adag iskugu diyaarisay sidii ay uga soo aarsan lahayd Reds.

Liverpool oo xili ciyaareedkii hore tagtay finalka Champions League oo Real Madrid ay kaga guuleysatay ayay ciyaartani ugu soo beegantay xilli ay ku naaloonayaan farxad ah inay hoggaanka horyaalka Premier League kusoo laabteen, sidoo kalena ay kulankii ugu dambeeyey kusoo burburiyeen Southampton oo ay 3-1 ku dhirbaaxeen.

Tababare Klopp waxyaabaha caawinaya waxa ka mid ah in kooxdiisu ay waqti hore ka hadhay tartamada maxalliga ah marka laga reebo Premier League, taas oo siisay waqti badan oo firaaqo ah oo ay ciyaaryahanneedu ku nastaan.

Inkasta oo kooxda Jurgen Klopp aanay kaalinta koowaad kaga jirin saadaasha horyaalka Premier League oo falanqeeyeyaashu u badinayaan in Man City ay kaga guuleysan doonto, haddana Reds ayaa tamar ahaan soo noolaanaysa, waxaanay waqti wanaagsan ka hor tegaysaa Porto oo hore usoo reebtay Roma, sidoo kalena Manchester City jilbaha u dhigatay marxaladdii Groupyada.

Arrinta kale ee jirta ayaa ah Liverpool oo muddo soddon sannadood ah raadinaysay horyaalka Premier League ay markan awooddeeda iskugu geynayso sidii ay tartanka dalkeeda ugu guuleysan lahayd marka la barbar-dhigo Champions League. Halka Man City ay ka tahay kooxda awoodda badan ee la saadaalinayo, Liverpool ayaa iyadana ay ku jirtaa rajo ah inay hal mar ku wada guuleysato Champions League iyo Premier League.

Marka si guud loo eego lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee tartanka Champions League, Liverpool waxay soo guuleysatay saddex kulan oo kaliya, laba laga badiyey iyo mid barbar-dhac ah, laakiin FC Porto ayaa lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Champions League ay u ahaayeen kuwo guulo ah, waxaanay hantiday shan guulood iyo mid kaliya oo laga badiyey, taas oo muujinaysa sida ay garta u tahay walaaca ay qabto Liverpool.

Xogta Ciyaarta:

Kulanka: Liverpool vs FC Porto

Tartanka: Champions League – lugta hore ee wareegga semi-finalka.

Waqtiga: 10:00 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield.

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Liverpool ayaa ciyaarta caawa waayi doonta adeegga difaaceeda baasha bidix ee Andy Robertson oo kaadh huruud ah qaatay xilli dambe ciyaartii Allianz Arena, waxaase uu dib usoo laaban karaa kulanka labaad. Klopp ayay waajib ku tahay in booska Robertson uu banneeyey uu u kala doorto Alberto Moreno oo kaliya afar ciyaarood saftay dhamaan xili ciyaareedka iyo ruug-caddaaga boosaska badan ka ciyaara ee James Milner oo inta badan xili ciyaareedkii 2016-17 ka ciyaarayay difaaca bidix.

Georginio Wijnaldum oo ahaa udub-dhexaadka loogu isticmaalka badan yahay xiddigaha khadka dhexe siddeedii bilood ee ugu dambeeyey ayaa la saadaalinayaa in aan lagu soo bilaabin afka hore, waxaana fursad heli doona Fabinho oo difaaca caawin doona, Jordan Henderson iyo Naby Keita.

Alex Oxlade-Chamberlain iyo Joe Gomez ayaa wali ku maqan dhaawac oo aan soo kabanin, waxaase liiskooda ku biiray Adam Lallana oo dhaawac muruqa ah uu gaadhay, kaas oo sidoo kale aan taam u ahayn ciyaartan.

Dhinaca kale, Porto ayay ciyaartani u timid maalmo kaddib ciyaarta adag ee Boavista oo ay si adag u xafiiltamaan, laakiin Conceicao wuxuu awood u yeeshay inuu la baxo saddexdiisa halyey ee Jesus Manuel Corona, Tiquinho iyo Danilo Pereira.

Warka naxdinta leh ee tababare Conceicao usoo yeedhaya ayaa ah in laacibka Telles uu dhaawac kusoo booday xillig uu dhalinayey rikoodhe kulankii Boavista, waxaase uu dib ugu soo laabtay garoomada ka hor ciyaartan, taas oo keenaysa inay suurtogal tahay inuu tababaruhu khatar ku geliyo oo uu ciyaarsiiyo.

Weeraryahanka Vincent Aboubakar ayaa ah laacibka ugu weyn ee ay Porto tebi doonto, laakiin wuxuu ka maqnaa garoomada illaa horraantii xili ciyaareedkan markii uu haleelay dhaawac culus.

Difaaca ruug caddaaga ah ee Pepe ayaa kasoo laabtay ganaax uu kusoo seegay ciyaartii hore, waxaanu kasoo garab muuqan doonaa xiddiga reer Brazil ee Militao oo ay dhawaan Real Madrid heshiis la gashay.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

 

 

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Milner; Fabinho, Henderson, Keita; Salah, Firmino, Mane

Porto: Casillas; Militao, Felipe, Leite, Telles; Corona, Danilo, Otavio, Brahimi; Marega, Soares

Rikoodhka kulamadii hore ee labada kooxood

Liverpool waligeed may guul-darraysanin ciyaar ay kula kulantay FC Porto oo lix jeer oo hore ay iska hor yimaaddeen.

Kulankoodii xili ciyaareedkii hore ee wareegga 16-ka Champions League, Sadio Mane ayaa saddexlay ka dhaliyey, Mohamed Salah ayaa mid afraad raaciyey, halka uu Roberto Firmino gool shanaad ugu daray daqiiqaddii ugu dambaysay.

Kooxda dhibaatadii ugu badnayd ay kala kulantay Porto kulamadeeda Yurub waa Liverpool waxaanay khasaartay afar ka mid ah lixdii ciyaarood ee ay iska hor yimaaddeen, waxaana sidaas oo kale khasaare ugu geystay Zenit St Petersburg iyo Juventus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here