Liverpool Oo Filaneysa In Sadio Mane Uu Ka Maqnaado Bilowga Xilli Ciyaareedka Premier League & Xiddiga Booskiisa Buuxin Lahaa Oo La Ogaaday

0
23

Liverpool ayaa la filayaa inuu ka maqnaado Saido Mane bilowga xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii uu xulka Senegal ka caawiyay inay gaaraan finalka Koobka Qaramada Afrika.

Saido Mane ayaa gacan ka geystay goolkii ay iska dhaliyeen xulka Tunisia waqtigii dheeriga ahaa ee keentay inay u soo gudbaan finalka iyagoo la ciyaari doona Algeria.

Liverpool Oo Filaneysa In Sadio Mane Uu Ka Maqnaado Bilowga Xilli Ciyaareedka Premier League & Xiddiga Booskiisa Buuxin Lahaa Oo La Ogaaday

Finalka oo dhacaya Jimcaha waxa ay ku beegan tahay seddex isbuuc ka hor inta aysan Liverpool ciyaarin kulanka ay ku furaneyso xilli ciyaareedka cusub ee Premier League 9ka bisha Agoosto iyagoo soo dhaweynaya kooxda Norwich City.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa dhamaan ciyaartoydiisa siiyay fasax seddex isbuuc ah ka dib tartamadii ay ka qeyb galeen xagaagan, waxaana ay taasi ka dhigan tahay in Mane uu seegi doono kulanka ay la ciyaarayaan kooxda u soo dalacday Premier League ee Norwich.

Klopp ayaase dib u heli doona labada weeraryahan kale iyadoo xiddiga Masar Mohamed Salah iyo kan Brazil Roberto Firmino uu fasaxooda u bilowday markii ay ka soo dhamaadeen Copa America iyo AFCON.

Tababaraha Liverpool ayaa sidoo kale rajeynaya inuu u soo yeerto Rhian Brewster kaasoo ilaa iyo haatan xagaagan wacdarro u dhigaya Liverpool gaar ahaan kulamadii saaxiibtinimo ee ay ka badiyeen Tranmere Rovers iyo Bradford City iyo Divock Origi oo goolashiisii muhimka ahaa ay keentay inay qaadaan Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Brewster ayaa shabaqa soo taabtay kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Bradford shalay oo Axad aheyd, waxaana uu dhaliyay labo gool kulankii ay 6-0 ku xasuuqeen kooxda Tranmere Khamiistii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here