Lionel Messi Oo Wajihi Kara In Ciyaaraha Caalamiga Laga Ganaaxo Muddo Labo Sannadood Ah

0
59

Lionel Messi ayaa ku eedeeyay qaban qaabiyayaasha iyo garsoorayaasha Copa America musuqmaasuq markii uu la hadlayay saxaafada ka dib kulankii a Argentina 2-1 ku garaacday Chile ee kaalinta labaad ee tartanka lagu qabtay Brazil.

Messi ayaa diiday inuu qaato biladiisa kaalinta seddexaad, waxaana uu sheegay in koobka loo diyaariyay inay qaado Brazil, iyadoo Brazil ay xalay ku guuleysatay koobka markii ay 3-1 ku garaaceen xulka Peru ciyaartii finalka.

Xiddiga Argentina iyo Barcelona ayaa hore u dhaleeceeyay garsoorayaasha ka dib markii Argentina ay ku hartay semi-finalka oo ay guuldarro ka soo gaartay Brazil, waxaana uu sheegay in casaankii la siiyay kulankii Chile inay aheyd mid looga aargudanayay hadalkii uu sheegay kulankii semi-finalka.

Hadalada Messi ayaa haatan keeni karta inuu ciqaab adag kala kulmo xiriirka kubada cagta Latin America, kuwaasoo mamnuuc ka dhigay in la aflagaadeeyo xiriirka, waaxyadiisa iyo dadka u shaqeeya.

Marka ay xiriirka go’aansadaan inay talaabo qaadaan, Messi waxa uu wajihi karaa in laga mamnuuco tartamada caalamiga ah ilaa iyo muddo labo sannadood ah taasoo keeni karta inuu seego kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee 2022 iyo weliba koobka Copa America ee 2020 lagu qabanayo wadamada Argentina iyo Colombia.

Xiriirka kubada cagta Latin America CONMEBOL ayaa si weyn uga carooday hadalka Messi waxaana ay sheegeen inay tahay wax aan la aqbali karin.

Waxaa harsan in la arko haddii xiriirka uu doonayo inuu muddo dheer ganaaxo xiddiga ugu magaca weyn ciyaartoyda Latin America ee Lionel Messi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here