Lionel Messi oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey kooxda Barcelona ee…

0
67

(Barcelona) 28 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xalay guul ka gaartay naadiga Levante, waxaana ay hanatay horyaalka La Ligaha Spain, iyadoo Lionel Messi uu u sameeyey rikoor cajiib ah.

Barca ayaa 1-0 uga badisay xalay kooxda Levante waxaana ay xaqiijiyeen inay ku guuleysteen horyaalka La Ligaha Spain markoodii 26-aad.

Kabtan Lionel Messi ayaa xalay isagoo kabtan kooxda Barcelona kula guuleystay horyaalka La Liga.

Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey Barcelona ee taariikhda kooxda kula guuleystay 10 horyaalka La Ligaha Spain ah, mana jiro ciyaaryahan kale oo toban goor la qaaday horyaalka La Liga kooxda Barca.

Xiddiga reer Argentina ee Leo Messi ayaa ayaa tobanka horyaalka La Liga oo uu la qaaday Barcelona waxa uu kula guuleystay xilli ciyaareedyadii 2004–05, 2005–06, 2008–09, 2009–10, 2010–11, 2012–13, 2014–15, 2015–16, 2017–18, 2018–19.

Lionel Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee aan u Spanish ahayn ama aan u dhalan Spain ee taariikhda horyaalka La Liga ku guuleysta 10 jeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here