Lionel Messi Oo Aan Weli Ka Soo Kabsanin Dhaawacii Qalbiga Ee Ay Liverpool U Geysatay

0
36

Sida lama filaanka ah ee ay Barcelona uga hartay Champions League ka dib guuldaradii ceebta aheyd ee ka soo gaartay Liverpool waxa ay qaadan doontaa waqti ay ku ilaawaan.

Iyadoo sannad laga joogo guuldaradii Roma oo u xanuun badneyd sida tii Anfield, kooxda Catalans ayaa ku jirta waqti ay dib isku eegaan islamarkaana ay saxaan qaladaadkooda.

Cidna ma qarin karto xanuunka ay dareemayaan, xitaa Lionel Messi.

Sida uu ahaa wajigiisa intii ay socotay iyo ka diba ciyaartii Axadii ay 2-0 kaga badiyeen Getafe ayaa soo bandhigeysa sida jawiga Camp Nou uu ahaa dhawaanahaan.

Messi waa xiddig guusha la saaxiib ah, waligiisna waa uu ahaa, waxna iskama aysan bedelin taas.

Xilli ciyaareedyadii hore loogama baraninin mucjisada ka timid Rosario inuu afka qabsado sidaan oo kale.

Markii uu joogay garoonka diyaaradaha Liverpool, labo taageerayaal oo Barcelona ah ayaa ku eedeeyay kabtankooda inuusan u sacbinin taageerayaashii Barcelona ee habeenkaas soo safray, taasina ma aysan caawinin xaaladiisa oo markii horeba murugsaneyd.

Ciyaartoy dhowr ah ayaa lagu ooriyay kulankii Camp Nou ee Axadii oo uu ku jiro Sergio Busquets kaasoo ay dhif iyo naadir tahay inuu eedeymo kala kulmo taageerayaasha kooxdiisa.

Waxaana talaabooyinkaas ay keentay in Lionel Messi uusan u dabaaldegin goolasha kooxdiisa.

Barcelona waxa ay labada koob isku qaaday xilli ciyaareedkii 2017/18, waxaana ay wadada u saaran yihiin inay sidaas oo kale sameeyaan xilli ciyaareedkan.

Si ay taasi u dhacdo, Messi ayaa aaminsan in kooxda ay midowdo, isagoo ka hadlayay oorintii uu Philippe Coutinho la kulmay kulankii lugta hore ee semi-finalka Champions League ee Camp Nou, waxa uu yiri:

“Waa inaan midownaa si ka badan sidii hore, haatan waa waqtigii aan isku garab noqon laheyn.”

Kulankii Axadii, kabtanka Blaugrana waxa uu garoonka ka baxay isagoo aan u sacbinin taageerayaasha.

Sidoo kale Messi uma dabaaldegin goolkii labaad ee ay Barcelona dhalisay, malaha waxaa u sabab ah in Mauro Arambarri uu taabashada ugu danbeysay lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here