Laacibka ugu fiicnaa, gooldhaliyaha ugu sareeyay, da’ayarka ugu wanaagsanaa & wax kasta oo aad uga baahan tahay Abaal Marinada UEFA Nations League

0
24

(Yurub) 10 Juunyo 2019. Xulka qaranka Portugal ayaa ugu dambeyntii xalay ku guuleystay koobka UEFA Nations League, wuxuuna noqday xulkii ugu horeeyay ee ku guuleysta koobkan oo markii ugu horeysay la qabtay, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda Netherlands.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa loo caleemo saaray gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka kaddib markii uu dhaliyay 3 gool.

Dhinaca kale xiddiga kooxda Manchester City ee Bernardo Silva ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiicanaa inta uu socday tartanka UEFA Nations League.

Image result for Bernardo Silva

Bernardo Silva ayaa xili ciyaareed cajiib ah la qaatay Manchester City kaddib markii uu ku guuleystay 4 koob, taasoo sababtay in sidoo kale loo caleemo saaro xiddigii ugu fiicnaa kooxda Skay Blues.

Image result for Frenkie de Jong Final UEFA Nations League

Dhinaca kale xiddiga xulka qaranka Holand iyo kooxda Ajax ee Frenkie de Jong ayaa isna loo doortay inuu ahaa da’ayarkii ugu fiicnaa inta uu socday tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here