Kooxda Juventus oo guul-darro aysan fileyn kala kulantay Kooxda SPAL + Sawirro

0
65

( Italy) 13 Abriil 2019 Kooxda Juventus ayaa guul daro xanuun badan kala kulantay Kooxda Spal kulan ka tirsanaa horyaalka Italy, kulan ciyaareedka ayaana ku soo dhamaaday 2-1.

Kulan ciyaareedka qeebtiisa Koowaad ayaa waxa uu ku soo idlaaday 1-0 oo ay ku hor kaceyso Kooxda Juventus wallow Kooxda Spal oo ku ciyaareysay garoonkeeda ay la yimaadeen fursado dhowr ah.

Mucjisada yar ee u soo baxay xulka Italy iyo Kooxda Juventus Kean ayaa u dhaliyey goolka koowaad ee kooxdiisa daqiiqadii 30-aad ee qeebtii hore ee ciyaarta kaddib caawin uu ka helay daafaca reer Portugal ee Cancelo.

Kooxda Spal ayaa dhowr isku day sameesay balse waxa ay ku fashilmeen in ay la yimaadaan goolka bareejada ee ciyaarta, ugu dambeen kukanka qeebtiisa hore ayaa ku dhamaaday 1-0 oo ay ku hor keceyso Kooxda Juventus.

Waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa baasmay qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan, Kooxda Spal ayaa ku soo gashay dar dar xoogan iyaga oo durba la timid goolka bareejada ee ciyaarta.

Daqiiqadii 49-aad ee qeebtii dambe ee ciyaarta waxaa yimid goolka bareejada ee ciyaarta waxaana dhaliyey Bonifazi kaddib caawin uu ka helay Murgia.

Juventus waxaa garoonka ugu jiray ciyaartoy aad u yar yar iyaga oona fadhiisiyey ciyaartoydooda ugu muhiimsan hadii ay ahaan leheed mid gool haye ilaa iyo weerar.

Kooxda Spal oo hanaan isku dheeli tiran ku soo gashay qeebtii labaad ee ciyaarta ayaa markale gaartay shabaqa daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta iyaga oo gool ka helaya kabtankooda Floccar.

Juventus waxaa soo wajahay caadis badan iyaga oo marar badan isku dayey in ay iska soo gudaan goolka deenta ee lagu yeeshay, ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo idlaada 2-1 oo ay ku adkaatay Kooxda Spal.

     

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here