Kooxda JCCI Oo Guul daro  2-1 ah ugu awood sheegatay Kooxda Heegan.

0
82
DCIM100MEDIADJI_0242.JPG

Kulan Ka mid ah kulamada Horyaalka Heerka koowad ee Jubbaland ayaa waxaa galabta garoonka Waamo ee Magaalada Kismaayo Ku ciyaaray kooxaha HEEGAN iyo JCCI.

Ciyaar adag oo dhaxmartay labada naadi ayaa kusoo dhamaatay 1-2 Oo ay Guusha Ku raacday  Kooxda JCCI.

JCCI ayaa haatan soo gashay kaalinta Labaad ee shaxda Kala sareynta Horyaalka.

Tartanka Horyaalka Kooxaha jubbaland ayaa malinba maalinta Ka dambeyso sii adkaanayo waxayna kooxaha udagalamayaan hanashada Horyaalka .

JCCI waxay qeeyb Ka tahay kooxa sida weyn udaneynayo qaadista Horyaalka

Dhanka kale Kooxda Heegan oo bilowgii tartan dardar xoogan kusocotay ayaad moodaa in wayadan dambe uu gaabis Ku yimid

Waxaan Khamiista soo socota wada ciyaari doona kooxaha Dowladda Hoose iyo JBC

DCIM100MEDIADJI_0242.JPG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here