Kooxda Fc Majaango Oo sii dheereysatay Hogaanka Horyaalka Heerka Labaad

0
19

Kooxda Kubadda cagta Fc Majaango ayaa sii dheereysatay hogaan Horyaalka kooxaha Heerka Labaad ee Jubbaland

kulan adag oo galabta ay la ciyaaren kooxda Fc Shaqaalaha ayaa waxay kusoo idlaatay 4-2 oo ay Guusha Ku raacday Kooxda Fc Majaango.

Laacib da’da yar ee Cabdixaafit ayaa galabta Dhaliyay 3 kamid ah 4 tii gool ee ay dhaliyeen kooxda Majaango.

Dhanka kale Cabdixaafit ayaa ah laacib ugu goolasha Badan Horyaalka kooxaha Heerka Labaad ee Jubbaland waxaa uuna Ku hogaaminayaa 10 gool.

Kooxda FC Majaango ayaa ah kooxda kaliya ee an laga badin 6dii kulan ee ay ciyaar 5 Ka mid ah way badisay halka kulan ay gashay Barbar dhac ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here