Kooxda FC.Himilo iyo Guuldaro Maxaa kala Haysta

0
143
05/04/2019 Kismaayo: Kulan ka mid ah kulamada heerka 1-aad ee Horyaalka Kooxaha Jubbaland ayaa galabta garoonka waamo Ee Magaalada Kismaayo waxaa ku wada ciyaaray Kooxaha JCCI iyo FC.Himilo.
 
Kooxda Himilo ayaa galabtana laga badiyay kulnkeedii 4-aad waana kooxda kaliya ee aan marnaba guul ka gaarin Horyaalka
 
Ciyaartan oo aheyd mid daqiiqadahii ugu horeeyay layska dhaliyay 3-3 gool waxayna noqotay mid aan la saadalin karin natiijada inta ka dhiman ciyaarta.
 
Qeeybtii hore ee ciyaarta ayaan ku soo dhamaatay 3-3 Balse Bilowga Qeybtii 2-aad ee ciyaarta ayaay wax laba gool oo degdeg ah la timid kooxda JCCI
 
Ciyaarta oo intaa ka dib sii adkaatay ayaa garsooraha waxaa uu kaarka casaanka Ama (Red Card) Siiyay laba kamid ah ciyaartoyda kooxda JCCI Balse labadaa ciyarto kooxda uma aysan dhutin oo waxay la yimaaden goolkoodi 6-aad
 
Kooxda FC.Himilo oo dadaalo badan iyo iskudayo sameysay ayaa ugu dambeen la timid Gool kaa oo natiijada Ciyaarta ka dhigay 6-4 oo ay guusha ku raacday kooxda JCCI
 
Guusha galbta ay soo hoyiyeen Xidigaha JCCI ayaa dhankooda u aheyd Guul Taarikhi ah waxayna soo ciriirsadeen kaalinta 3-aad
 
Maalinta Khamiista ah ee ay Taariikhdu tahay 11/04/2019 ayaa waxaa wada ciyaari doona Kooxaha Heegan iyo JBC.
 
Si aad ula socoto Kala sareynta kooxaha iyo warar dheerad ah oo la xiriira arimmaha Sports-ka Fadlan soo booqo https://jufasports.com
 
W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here