Kooxda Fc. Heegan Oo 1-0 ugu Awood Sheegatay Kooxda Fc. JCCI.

0
63
Kulan ka mid ah kulamda heerka koowaad ee Horyaalka kooxaha Jubbaland ayaa galabta waxaa garoonka Waamo ee Magaalada Kismaayo ku wada ciyaaray Kooxaha JCCI iyo HEEGAN.
 
Ciyaar adag oo dhaxmartay labada kooxood ayaa kusoo dhamaatay 0-1 oo ay guusha ku raacday kooxda HEEGAN.
 
Qeeybtii Hore ee Ciyaarat ayaa waxay kusoo dhamaatay 0-0
 
Markii laysku soo labtay qeybta labaad ee ciyaarta ayaa waxaa kooxda HEEGAN usuura gashay in ay la timaado Goolka Madiga ah ee ay ku guuleysatay waxaana u dhaliyay goolka Laac’ibka Afka hore oga ciyaaro ee Fu’aad Dheereye,
 
Kooxda HEEGAN ayaana galabta guul kala tagtay Garoonka Waamo waxayna ku jirtaa kalinta labaad ee kala sareynta Horyaalka waxaana tiro goolal ah ku hogaaminyo horyaalka kooxda Dakadaha,
 
Maalinta Berito ee taariiqdu ay tahay 08/03/2019 ayaa waxaa wada ciyaari doona kooxaha D/Hoose iyo JBC
 
W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here