Koob Isdhaxgalka Bulshada ah oo loo qabtay ciyaartoyda Degmadda Doolow

0
90
26/07/2019 Doolow: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboledka Jubbaland Abdirahman Haji Cabdi oo howlo shaqo ujooga Degmadda Doolow ayaa galabta ka qeyb galay Koob loo dhigay labada kooxood ee Jubba iyo Wadajir.
 
Koobkan oo ahaa mid lagu dhiiro gelinaayo kooxaha degmaadda. waxaan soo qaban qaabiyay Xiriirka kubadda cagta Jubbaland iyo wasaaradda dhalinyaradda ciyaaraha Jubbaland
 
ciyaar adag oo dhax martay labada kooxood ayaa kusoo idlaatay 0-2 Oo ay guusha ku raacay kooxda Wadajir.
 
Ciyaarta markii ay soo dhamaatay waxaa bilado iyo koob la gudoonsiiyay ciyaartoyda. waxaan gudoon siiyay Agaasimaha wasaaradda dhalinyaradda ciyaaraha Jubbaland Abdirahman Haji Cabdi. iyo Xoghayaha Guud ee Xiriirka kubbada Cagta Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdulaahi Suufi oo wafdiga qeyb ka ah.
 
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa wadoo dadaalo lagu hormarinaayo Sports-ka Jubbaland. waxaana dhawaan la filayaa in laqabto tartan ciyaaraha kubbada cagta ah oo udhaxeeya Degmooyinka Xorta ah ee Jubbaland
 
W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here