Klopp “Camp Nou ma’ahan meel qaas ah ama lagu cabsiiyo Ciyaartoyda”

0
71

(Europe) 30 Abriil 2019.Macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ka hadlay kulanka kulanka ay habeen dambe ee Arbacada Barcelona ku booqan doonaan garoonka Cump Nou.

Kooxaha Barcelona iyo Livepool  ayaa habeen daambe ee Arbacada kau wada ciyaari doono garoonka Cump Nou lugta hore ee wareega afar dhamaadka tartanka Champions League.

Klopp ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay kulanka ka dhici doono habeen dambe garoonka Cump Nou wuxuuna yiri:

“Camp Nou kaliya waa garoon, waa mid aad u weyn, balse ma’ahan meel qaas u ah kubadda cagta”.

“Waxaan arkay kooxaha kale oo wakhtiyo adag ku qaatay kulamadii ay ku ciyaareen Cump Nou, haatana waan isku dayi doonaa, inkastoo dhab ahaantii aan dooneyno inaan si fiican u ciyaarno”.

51 jirkan ayaa dhinaca kale qiray in kooxda reer Catalonia ay tahay musharaxa ugu cad cad ee la filayo inay gaarto kulanka finalka ee tartanka Champions League.

“Haddii aad la ciyaareyso Barcelona, ​​waxaa xaqiiqo ah inaadan adiga noqon Karin kooxda guuleysan kara”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here