Jose Mourinho Oo Si Daacadnimo Ah Uga Hadlay Soo Laabashada Zinedine Zidane Ee Real Madrid. 

0
67

Jose Mourinho ayaa si daacadnimo leh uga hadlay soo laabashada Zinedine Zidane ee Real Madrid, inkastoo macalinkaan xan ahaan loo sheegay inuu kusoo laabanayo Santiago Bernabeu ka hor inta aan la magacaabin macalinka reer France hadana wuxuu aaminsan yahay in Zizou uu yahay shaqisga ugu fiican ee Los Blancos.

Macalinkii hore Man United & Chelsea ayaa ku jiray liiska la hadal hayay iney badali doonaan Solari oo horaantii bishaan shaqada laga ceyriyay, balse kooxda waxey gaartay go’aan ah iney Zinedine Zidane soo celiyaan kaas oo 10-bilood ka hor ka tagay kooxda.

Macalinka reer France wuxuu sameeyay wax uusan shaqsi kale ka sameyn kubadda cagta kadib markii uu saddex jeer oo xiriir ah hantay koobka Champins League, Jose ayaana fahansan in wax badan kasoo socdaan.

“Uma maleynaayo inaan ka hadli karno wali waxa ku saabsan waayahiisa” ayuu yiri Mourinho oo la hadlayay Canal Plus, waxaana soo xiganayay shabakadda Goal.

“Balse wakhti aad u gaaban, wuxuu sameeyay wax aysan qof horay u sameynin, waana inuu hantay saddex Champions League oo xiriir ah”

“Hadda wuxuu bilaabay tallaabo kale oo waayahiisa ah, waa inuu dhiso koox, waa inuu sameeyo doorasho, soo iibsado ciyaartoy, kuwa kale iibiyo, waa inuu la tababarto, sidoo kalana ka dhaadhiciyo falsafadiisa”

“Waxey ila tahay inuu yahay shaqsiga ugu fiican ee koxda Real Madrid” ayuu Mourinho hadalkiisa kusoo afjaray.

Jose Mourinho ayaa shaqada Man United laga ceyriyay bishii December, wuxuuna isha ku hayaa inuu garoomada kusoo laabto bilowga fasalka soo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here