Joe Gomez oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Liverpool

0
96

(Liverpool) 27 Maarso 2019. Ciyaaryahan Joe Gomez ayaa la xaqiijiyey inuu dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Liverpool ee dalka Ingiriiska.

Joe Gomez ayaa garoomada kaga maqnaa dhaawac muddo dheer ah, balse haatan waxaa la shaaciyey inuu dib tababarka ula bilaabay xiddigaha kooxdiisa.

Macalinka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in Joe Gomez uu tababarka naadiga dib ugu soo laabtay.

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Joe Gomez uu tababarka kooxda dib ugu soo laabtay kaddib saddex bilood iyo bar uu la maqnaa dhaawac jab hoose ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here