Iska Ilow Alexis Sanchez, Waxaa Soo Baxay Xiddig Kale Oo Loo Magacaabay Saxiixii Ugu Xumaa Ee Manchester United

0
21


Alexis Sanchez ayaa heshiis amaah ah ugu wareegay Inter Milan isbuucii la soo dhaafay isagoo ugu danbeyn soo gabagabeeyay qarowgii uu ku noolaa ee Manchester United.

Weeraryahanka reer Chile ayaa Old Trafford tagay bishii Janaayo 2018, waxaana laga filayay waxyaabo waa weyn ka dib markii uu afar xilli ciyaareed oo fiican la qaatay Arsenal.

Laakiin taasi ma aysan dhicin xilli ciyaareed iyo bar uu joogay United, Sanchez ayaa saftay 32 kulan oo Premier League ah, waxaana uu dhaliyay kaliya seddex gool.

13 milyan qaado ee inaga tag

30 jirkaan ayaa noqday hooska ciyaaryahankii uu mar ahaan jiray, waxaana uu cadeyn kari waayay inuu u qalmo mushaharka uu qaadanayay oo wadar ahaan gaaray 505 kun ginni isbuucii.

Ugu danbeeyay taageerayaasha United ayaa ku farxay inuu amaah ku qaaday Talyaaniga, iyagoo Sanchez u arkayay saxiixoodii ugu xumaa ee taariikhda dhow.

Laakiin waxaa jagadaas kala wareegay Fred.

Xiddiga khadka dhexe ayaan noqday xiddig aan la tabin tan iyo markii uu United yimid bishii Juun 2018, inkastoo Sanchez la dhaleeceynayay, Fred ayaa lagu doodi karaa inuu ka sii xumaa.

Waxa uu Shakhtar Donetsk uga soo wareegay 53 milyan ginni laakiin marnaba ma uusan soo bandhigin qaab ciyaareed u qalma qiimahaas.

Xiddiga reer Brazil ayaa saftay kaliya 25 kulan tartamada oo dhan, waxaana uu dhaliyay kaliya hal gool.

Hal daqiiqo oo Premier League ah ma uusan ciyaarin tan iyo bishii April, xitaa hal mar laguma soo darin liiska ciyaartoyda ee kooxda Man United ee xilli ciyaareedkan.

Marka la eego inuusan kubad laadin tartan rasmi ah muddo ka badan afar bilood, Fred waxaa mushahar 120 kun ginni isbuucii lagu siinayaa inuu tababar qaato.

Waxa uu Sanchez la kulmay eedeyn badan intii uu joogay Old Trafford, laakiin waxa ay u muuqataa inuu jiro ugu yaraan hal xiddig oo ka sii liita.

Haddii uusan Fred isbedel sameynin xilli ciyaareedkan uma muuqato inay taasi dhici karto haatan, markaas waxa uu noqon doonaa saxiixii ugu xumaa United ee taariikhda dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here