Hordhaca Kulamada Europa League Ee Caawa: Arsenal vs Valencia & Frankfurt vs Chelsea

0
384

Waxaa caawa la ciyaarayaa kulamada Europa League ee semi-finalka iyadoo ay isagu soo hareen labo koox oo Ingariis ah iyo kooxo ka kala dhisan Spain iyo Jarmalka.

Lugta hore ee semi-finalka kulamada Europa League waxaa ciyaari doona Arsenal vs Valencia iyo kulanka kale ee Frankfurt vs Chelsea

Arenal vs Valencia

Labada kooxood waxa ay heysata dhibaatooyin u kala gaar ah laakiin waxa ay dib ugu soo laabanayaan tartan ay isku ilowsiiyaan guuldarooyinkoodii ugu danbeeyay.

Kulamada Europa League ee caawa
Semi-finalka Europa League ayaa caawa bilaabanaya

Tababare Unai Emery ayaa ka horimaanaya kooxdiisa hore ee Valencia oo uu macalin u ahaa intii u dhaxeysay 2008 ilaa iyo 2012.

Sidoo kale xiddigaha kala ah Shkodran Mustafi, Francis Coquelin iyoGabriel ayaa iyagana kooxahoodii hore ka horimaanayaan.

Arsenal ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah shantii kulan ee ay ka horyimaadeen Valencia iyadoo laga badiyay seddex kulan oo ka mid ah.

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD

Kooxda Arsenal waxaa dhaawacyo kaga maqan Hector Bellerin, Holding iyo Welbeck, waxaa sidoo kale waayihiisa ciyaareed ee Gunners uu soo dhamaaday Aaron Ramsey kaasoo uu soo gaaray dhaawac uu ku maqnaanayo inta ka harsan xilli ciyaareedka.

Denis Suarez oo 96 daqiiqo kaliya u dheelay intii uu joogay Arsenal ayaa isna dhaawac kale oo gumaarka ah uu soo gaaray isna waayihiisa Arsenal ayaa soo dhamaaday madaama uu ku laabanayo Barcelona xagaaga.

Dhanka kooxda Valencia waxaa dhaawacyo kaga maqan Cheryshev iyo Kondogbia halka Coquelin uu ganaax ku seegayo.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal: Leno; Papastathopoulos, Koscielny, Monreal; Maitland-Niles, Xhaka, Torreira, Iwobi, Kolasinač; Aubameyang, Lacazette.

Valencia: Neto; Piccini, Roncaglia, Garay Gabriel, Gayà; Guedes, Parejo, Wass, Soler; Rodrigo, Mina

Frankfurt vs Chelsea

Kooxda Jarmalka ee martida loo yahay waxaa la maqan labo nin oo muhim u ah laakiin waxay heystaan sabab ay kalsooni ku dareemaan marka ay soo dhaweynayaan kooxda hanatay Europa League sannadkii 2013.

Labada kooxoodba waxa ay heystaan rikooro ay kalsooni ku dareemi karaan, Frankfurt loogama badinin gurigeeda 11 kulan oo Europa League ah, waxaana ay badiyeen sagaal kulan oo ka mid ah.

Halka Chelea aan laga badinin xilli ciyaareedkan Europa League iyadoo 12kii kulan ay ciyaareen badiyay 11 kulan ka mid ah.

Frankfurt waxaa laga badiyay dhamaan seddexdii wareeg ee ay koox Ingariis ah la ciyaareen tartamada Yurub.

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD:

Frankfurt waxaa dhaawacyo uga maqan Haller, Stendera iyo Tawatha halka Rebic uu ganaax ku seegayo kulanka caawa.

Dhanka kooxda Chelsea waxaa iyagana dhaawacyo uga maqan daafaca Rudiger, xiddiga da’da yar Hudson-Odoi, daafaca khibrada leh Cahill iyo Ampadu.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Frankfurt: Trapp; Abraham, Hasebe, Hinteregger; Da Costa, Rode, Fernandes, Kostić; Gaćinović; Jović, Paciência

Chelsea: Arrizabalaga; Azpilicueta, Christensen, David Luiz, Emerson Palmieri; Jorginho, Kanté, Loftus-Cheek; Pedro, Giroud, Hazard

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here