Hordhac: Watford vs Arsenal – Gunners Oo Kaalinta 4-aad La Wareegi Doonta Hadii Ay Guul Ka Helaan Hornets.

0
57

Arsenal ayaa caawa marti ku ah garoonka Vicarage Road iyadoo la ogyahay iney aad ugu liidatay kulamada horyaalka ee ay banaanka kusoo ciyaartay xilli ciyaareedkaan, balse guuldaro soo gaarta waxey ku tahay dhibaato maadaama ay rajadooda afarta sare qalqal galeyso.

Gunners guul ay gaarto kulanka caawa waxey u sahleysaa iney farqiga goolasha ku gasho booska 4-aad iyadoo ka baxsan doonta Chelsea oo shalay guuldaro kala kulantay Liverpool, sidoo kalana kooxda waqooyiga London kulan ayey ka dambeyneysaa Blues.

Watford sanadkaan wey dadaaleen waxey tiigsadeen final-ka koobka FA Cup-ka, Manchester City ayeyna la ciyaari doonaan bisha May ee soo aadan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Watford vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Garoonka: Vicarage Road

Saacadda: 10:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Craig Pawson (England)

Arsenal ayaa kulamada maxaliga dib ugu soo dhaweyn doonta Lucas Torreira kadib markii uu soo dhameystay ganaax saddex kulan ah, balse waxaa ka maqnaan doona daafacooda mayalka adag ee reer Greece (Sokratis) kaas oo jaalihiisii 10-aad ee horyaalka qaatay kulankii Everton.

Rob Holding iyo Hector Bellerin ayaa wali kooxda ka dhaawacan, sidaas darteed Emery wuxuu caawa adeegsan doonaa afar difaac ama saddex isagoo heysta Mustafi.

Alex Iwobi iyo Mkhitaryan oo qeybtii dambe kulankii Napoli soo galay ayaa laga yaabaa iney caawa helaan fursad ay ku ciyaaraan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Watford:

Foster; Janmaat, Mariappa, Cathcart, Masina; Hughes, Doucoure, Capoue, Pereyra; Deeney, Deulofeu

Arsenal:

Leno; Mustafi, Koscielny, Monreal; Maitland-Niles, Ramsey, Torreira, Kolasinac; Iwobi, Mkhitaryan; Aubameyang

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Watford ayaa lumisay afar ka mid ah shantii ciyaarood ee ugu dambeysay kulamada Arsenal ay ku wajahdo horyaalka, balse kulankoodii ugu dambeeyay gurigooda 2-1 ayey ku badiyeen.

Gunners ayaan laba kulan oo xiriir ah guuldaro kala kulmin Watford kulamada horyaalka oo ay martida u tahay tan iyo markii ay saddex xiriri ah kala kulantay sideetameeyadii, guushii ugu dambeysayna waxey ka gaareen November 1987.

11-kii ciyaarood ee labadaan kooxood ugu dmabeeyay kulamada horyaalka barbaro laguma kala bixin, Arsenal ayaa 9-jeer badisay, halka Watford ay laba jeer guusha qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here