HORDHAC : Napoli VS Arsenal? Napoli miyey ka soo kaban kartaa dharbaaxadii lugtii hore ku dhacday?

0
54

( Yurub) 18 Abriil 2019 Kooxda Napoli oo ka dhisan dalka Italy ayaa caawa kulan xiiso badan ku soo dhaweeneysa garoonkeeda Kooxda Arsenal oo guul 2-0 ah gaartay kulankii lugta hore ee wareega sideed dhamaadka tartanka Europe League.

Maxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :

Napoli waxaa wali safkooda ka mqnaan doono ciyaartoyda kala ah  Raul Albiol iyo Amadou Diawara xili ay doonayaan inay ku soo laabtaan guul daradii lugta hore ee 2-0.

Arkadiusz Milik ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulankan madaama Dries Mertens uu ciyaaray kulankii lugtii hore misane wax sameen ah uusan Ku yeelan kulankaas.

Kevin Malcuit ayaa rajeynaya inuu ka soo bilowdo kulanka Gunners ka dib markii Elseid Hysaj uu ku soo bilowday daafaca midig ciyaartii ka dhacday Emirates.

Dhinaca kald Kooxda  Arsenal waxa ay dib u helayaan Granit Xhaka oo kasoo laabtay dhaawac waxa uuna ciyaaray kulankii Isniinta ee ay 1-0 kaga badiyeen Watford.

Alexandre Lacazette ayaa kursiga keydka ku soo bilowday kulankii ay la ciyaarayeen Hornets, waxa ayna  u badantahay inuu kusoo laaban doono line-upka koowaad kulanka caawa.

Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa sidoo kale dib u ugu yeeraya Ainsley Maitland-Niles ka dib markii uu keydka kusoo bilowday kulankii Isniinta.

Lucas Torreira ayaa shaki laga muujinaya  waxaana laga yaabaa inaan halis la gelin xaaladiisa caafimaad  ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Watford.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Napili VS Arsenal ( Europe League)

Goobta : San Paolo

Goorta : 10 : 00 oo Habeenimo

Garsoorka : Ovidiu Hategan (Romania)

Xaqiiqooyinka Ciyaarta laga diwaan giliyey :

Napoli hal kulan oo qura ayey horey garoonkeeda ku marti qaaday Kooxda Arsenal waxa ayna aheyd sanadii 2013-14 kulan ka tirsanaa tartanka Champions League heerkiisa guruubyada kooxda Napoli ayaana ku adkaatay 2-0.

Arsenal markii ugu dambeeyey ee ay booqoto koox Italy ah waxa ay aheyd sanadkii hore kulan ka tirsanaa wareega 16-ka ee tartanka Europa League markaas oo ay guul  2-0 ka gaareen Kooxda AC Milan.

Unai Emery ayaa guuleysatay 25-kulan oo tartanka Europe League heerkiisa kulamada kal baxa, waana in ka badan maclinkasta.

Napoli ayaa isaga hareysay tartanka 8-dii jeer ee ugu dambeeyey oo laga soo adkaado kulanka lugta hore ee tartamada yurub wareegiisa bug baxa, 1988-89 ayey aheyd markii ugu dambeeyey oo loogu adkaaday 2-0 lugta hore misane kulanka lugta labaad loogu soo adkaaday 3-0  ciyaar ay la qaadatay kooxda Juventus.

Arsenal ayaa shabaqooda gool ka ilaashaday 8-deed ka mid ah  10-kii kulan ee ugu dambeeyey ee tartanka (UEFA Europa League).

Eeg safaf Macquulka ah ee labada dhinac :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here