Heegan Iyo Dakadaha Oo Bar Bardhac 1-1 ah isla Dhaafi Waayay,

0
236

Tartanka Horyaalka heerka 1-aad ee kooxaha Jubbaland ayaa galabta garoonka waamo ee Magaalada Kismaayo waxaa  isku arkay kooxaha Heegan iyo Dakadaha,

Ciyaar kulul oo dhax martay labada kooxood ayaa ku soo idlaatay Bar Bardhac 1-1 ah

Dakadaha ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku hogaamineysay 0-1 balse nasiibdaro waxaa kaarka casaanka ah laga siiyay  laacibka labarka 6-aad uga ciyaara ee lagu magacaabo Abaana,

qeybtii labaad ee ciyaarta dadaalo badan oo ay sameeyen kooxda Heegan ayaa waxay heleen Gool kaa oo natiijada ciyaarta ka dhigay Bar Bardhac 1-1 ah

Kooxaha Dakadaha Iyo Heegan ayaa wada leh min 4 Dhibcood, Waxaana Horyaalka tiro goolal ah ku Hogaamineyso Kooxda Dakadaha

W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here