Heegan iyo D/Hoose Oo isla Dhaafi Waayay Bar Bardhac 2-2 ah

0
96
28/03/2019 Kismaayo: kulan ka mid ah kulamada heerka 1-aad ee Horyaalka Kooxaha Jubbaland ayaa galabta waxaa Garoonka Waamo ee Magaaladda Kismaayo ku wada ciyaaray kooxaha D/Hoose iyo Heegan.
 
Ciyaar xiiso badan oo dhaxmartay labada kooxood ayaa ku soo dhamaatay bar bardhac 2-2- ah
 
Kooxda Heegan oo ahay kooxda ku hormartay labada gool ayaa waxaa shabaqa usoo taabtay laacibka afka hore oga ciyaaro ee Fu’aad Dheereye.
 
Kooxda D/Hoose oo galabta dardar Fiican aysan ka muuqan ayaa labada gool oo ahaa Gool kuladyo ama Rigoorooyin u kala dhaliyay Kabtanka Kooxda Fu’aad Nokia iyo Laacibka Afka hore oga ciyaaro ee Muusa Cadiraxiin.
 
Dhanka kale Guuldarada Kooxda Heegan ayaa waxaa loo aaneynayaa difaacyada oo qalqal badan uu ka muuqday kuwaa oo galabta galay dhoowr qalad oo ay laba rigooro tahay,
 
Bar bardhaca labadaan kooxood waxaa siweyn ooga faa’iideysatay kooxda Dakadaha oo sii dheereysatay Hogaanka Horyaalka
 
Maalinta Berito ayaa waxaa wada ciyaari doona kooxaha Himilo Iyo JBC.
 
Si aad ua socoto wararka Ciyaaraha iyo Kala sareynta Kooxaha Marwaliba Soo booqo https://jufasports.com
 
W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here