YAAB: N’Golo Kante Waa Xiddiga Inta Ugu Badan Ay Ganaaxdo Chelsea!! – Xiddigaha Blues Ee Hudson-Odoi & Loftus Cheek Oo War Xiiso Badan Banaanka Keenay.

0
46

Xiddigaha da’yarta ah ee kooxda Chelsea ee Callum Hudson Odoi iyo Ruben Loftus Cheek ayaa banaanka keenay sheeko xiiso badan oo lama filaan ah oo ku saabsan xiddiga khadka dhexe ee kooxdooda ee N’Golo Kante.

Kante ayaa kamid ah xiddigaha ugu caansan kubadda cagta isaga oo helay amaanta ah inuu kamid yahay xiddigaha ugu fiican caalamka ee booksiisa asalka ah ee kubad bur-buriyaha.

Marka laga yimaado in tababare Maurizio Sarri uu ka ciyaarsiiyay khadka dhexe ee weerarka raacsan, N’Golo ayaan wax habacsanaan ah muujin isaga oo markale soo dhalaalaya oo si weyn isku muujinaya.

Haddaba, Hudson Odoi iyo Loftus Cheek ayaa sheegay in Kante uu yahay xiddiga inta ugu badan la ganaaxo sababtuna ay tahay inuu markasta soo habsaamo (Daaho) waana arrin qariib ah maadaama oo xidiga ree France looga bartay wanaagyo kale oo badan.

Da’yartan ree England oo marti ku ahaa Soccer AM ayaa la weydiiyay xidiga kooxda ka tirsan ee inta ugu badan la ganaaxo waxaana ay isku raaceen Kante.

Markii uu su’aasha weydiiyay wariye Tubes oo ahaa shaqsiga ay martida u ahaayeen ayuu Loftus Cheek si deg deg ah ugu jawaabay “N’Golo”.

Hudson-Odoi oo ku raacay aragtidaas ayaa yidhi “Haa, N’Golo, Maad filanayn, Isagu markasta waa habsan, Markasta”

Loftus-Cheek ayaa markale yidhi “Isagu maaha mid aad u daaha, Caadiyan waxa aad goobaha tagaysaa xilli ka horeeya midka caadga ah, Isagu inta ugu badan waxa uu daaha daqiiqad ama laba daqiiqo ama waxa uu ku yimaadaa wakhtiga”

“Isagu wuu yimaadaa wuuna dhoola caddeeyaa qofkastaana waa sidii oo uu leeyahay ‘Haa, Waanu ku cafinay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here