Gunners Oo Kaalinta Saddexaad Ee Premier League Soo Gashay Iyo Fursadii Ay Liverpool U Abuurtay Oo Ay Si Buuxda Uga Faa’iidaysteen

0
64

Arsenal ayaa guul dahabi ah garoonkeeda Emirates Stadium kaga gaadhay kooxda Newcastle United si ay kaalinta saddexaad ee Premier league uga xoogto kooxda Tottenham oo xalay guuldaro xanuun badan kala soo laabtay Anfield.

Arsenal ayaan wax qalad ah ka samayn fursada wayn ee ay ka heleen guushii ay Liverpool ka gaadhay Tottenham, waxayna hadda Gunners awooday in ay gadaal kaalinta afraad ugu riixday Tottenham isla markaana ay kaalinta saddexaad si buuxda ugu fadhiisteen.

Arsenal ayaa guushan ku gaadhay goolal ay dhaliyeen Aaron Ramsey iyo  Alexandre Lacazette waxayna hadda u muuqataa mid haysata fursad ugu wayn ee ay kaalinta saddexaad ugu dhamaysan karto marka loo tixgaliyo kulamada baaqiga u ah kooxaha ay la tartamayso ee Tottenham iyo Man United.

NEWCASTLE (5-4-1): Martin Dubravka; DeAndre Yedlin, Florian Lejeune, Jamaal Lascelles, Paul Dummett, Matt Ritchie; Ayoze Perez, Mohamed Diame, Isaac Hayden, Miguel Almiron; Salomon Rondon.

Kaydka: Ki Sung-yeung, Kenedy, Karl Darlow, Yoshinori Muto, Jonjo Shelvey, Federico Fernandez, Javier Manquillo.

ARSENAL (3-4-3): Bernd Leno; Shkodran Mustafi, Sokratis, Nacho Monreal; Ainsley Maitland-Niles, Aaron Ramsey, Matteo Guendouzi, Sead Kolasinac; Mesut Ozil, Alex Iwobi, Alexandre Lacazette.

Kaydka: Pierre-Emerick Aubameyang, Mohamed Elneny, Denis Suarez, Eddie Nketiah, Petr Cech, Carl Jenkinson, Henrikh Mkhitaryan.

Arsenal ayaa doonaysay in ay ka faa’iidaysato fursad wayn ee ay u haysatay in ay kaalinta saddexaad kala baxdo kooxda ay xifiltamaan ee Tottenham laakiin Unai Emery ayaa cadho wayn ku abuuray jamaahiirta kooxdiisa Gunners kadib markii uu kaydka dhiga Aubameyang.

Laakiin haddana Arsenal ayaa qaybtii hore ee kulankan si wayn u gacan saraysay natiijo ahaan iyo ciyaar ahaanba waxayna dhibaato ku abuureen kooxda martida ahayd ee Newcastle United inkasta oo ayna helin goolashii ay u baahnaayeen in ay ciyaarta ku dilaan.

Daqiiqadii 30 aad ayuu Aaron Ramsey kooxdiisa Arsenal u dhaliyay goolka ay dhibaatada ugu abuureen Newcastle United wuxuuna Ramsey goolkan dhaliyay waqti ay kooxdiisu dadaal badan ku soo bixisay in ay jabiso iska caabintii Newcastle United isaga oo xidiga reer Wales ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Gunners hogaanka ku qabtay.

Laakiin Arsenal oo dagaal wayn ugu jirtay in ay dhawr gool keensato qaybtii hore ee ciyaarta ayaa haddana awoodi wayday in ay dhaafto iska caabinta Newcastle laakiin daqiiqadihii ugu danbeeyay qaybtii hore ee ciyaarta  Ritchie ayaa xariiqda goolka ka soo celiyay kubbad uu Lacazette goolka labaad ku dhalin lahaa.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Arsenal hogaanka ku haysay laakiin goolkan ayaa ahaa mid walwal ku abuurayay jamaahiirta kooxda Arsenal maadaama oo ay ka cabsi qabeen in Newcastle ay hal fursad gool ku keeni karto.

Daqiiqadii 61 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta Unai Emery ayaa kaydka uga yeedhay Aubameyang wuxuuna saaray Alex Iwobi balse daqiiqadii 67 aad Aaron Ramsey ayuu dhaawac soo gaadhay waxaana ciyaarta la soo galiyay Mohamed Elneny.

Daqiiqadii 83 aad Arsenal ayaa ugu danbayn ka baxday walwalkii ciyaarta ka haystay waxaana goolka labaad ee Newcastle United dhulka ugu tuuray dhaliyay Alexandre Lacazette kadib markii uu caawin ka helay Pierre-Emerick Aubameyang wuxuuna goolkani noqday mid Gunners siiyay fursada ay shakigii kaga baxday.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 ay Arsenal markan si buuxda ugu aamintay in ay heshay saddexda dhibcood ee ay sida wayn ugu baahnayd, wuxuuna goolkani yimid waqti ay Newcastle United ku fikiraysay in ay ciyaarta ku soo laabto oo ay goolka barbaraha keensato.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Arsenal guul muhiim ah ku gaadhay waxayna saddexda dhibcood ee kulankani ka caawiyeen in kooxda Unai Emery ee Gunners ay kaalinta saddexaad ee Premier league kala baxday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here