Goolkii Ugu Horeeyay Xilli Ciyaareedka Premier League Oo Noqday Gool La Iska Dhaliyay

0
7

Xilli ciyaareedka horyaalka Premier League ee 2019-20 ayaa si rasmi ah u bilowday caawa iyadoo Liverpool ay garoonka Anfield ku martigelineyso kooxda u soo dalacday horyaalka heerka koowaad ee Norwich City.

Kulanka furitaanka xilli ciyaareedka ayaana laga sugayay in loo diiwaangeliyo waxyaabo badan sida darbadii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka oo loo diiwaangeliyay xiddiga Norwich City kaasoo cirka mariyay ka dib fiican oo loo dhigay.

Laakiin goolkii ugu horeeyay xilli ciyaareedka Premier League ayaa noqonaya mid xusuus leh gaar ahaana xusuus u leh kabtanka kooxda Norwich Hanley ka dib markii uu shabaqa iska geliyay kubad karoos ah uu soo dhigay Divock Origi.

Andy Robertson ayaa kubad dhexda ka soo jiiday waxa uu u baasay Origi oo garabka bidix taagnaa, xiddiga reer Belgium ayaana kubada la galay xerada ganaaxa ka hor inta uusan dhigin kubad karoos ah iyadoo ciyaaryahan Liverpool ah uusan meesha ka dhaweyn. Hanley oo isla lahaa bixi ayaana kubada shabaqa iska geliyay.

Liverpool ayaa ka badbaaday inkaarta ah inaysan jirin koox ku guuleysatay Premier League iyadoo dhalisay goolka ugu horeeya ee isla xilli ciyaareedkaas.

Waa markii labaad ee goolka ugu horeeya xilli ciyaareedka Premier League uu noqdo gool la iska dhaliyay. Kyle Walker ayaa gool iska dhaliyay kulankii furitaanka xilli ciyaareedka Premier League ee Spurs vs Manchester United ee 2015-16.

Mohamed Salah ayaa u labeeyay Liverpool daqiiqadii 19aad isagoo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka. Xiddiga reer Masar ayaa dhinac ka qaaday gooldhalinta horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

Van Dijk ayaana Liverpool u saxiixay goolka seddexaad ka dib kubad koorno ah uu soo qaaday Mohamed Salah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here