Goolhaye El Capitano Maaney Mahdi Oo Loogu Yeeray Wajibaada Xulka Qaranka

0
123

Goolhaya kooxda Mogadishu City Club Cabdiraxmaan Mahdi Maaney ayaa loogu yeeray waajibaadka xulka qaranka Ocean Stars waana markii ugu horeesay taariikhdiisa in loo waco safka xulka.

Liiska Xidgaha Kooxdq M.M.C iyo Xulka
1-Hassan Saantos
2-Qeys Cabdulle Macalin Aadan
3-Ali Ýàre
4-Baanuu Yare Cabdalle
5-Abuukar Siidow
6-Ciise Cabdiqaadir Ibraahim
7-Cabdiraxmaan Maaneey

“Ku dhawaad todobo ciyaartooy in kooxdeen laga soo xulo kuma aysan imaanin ciyaar ciyaar waxaana lagu bixiyay waqti badan intaas iyo in ka badan waan rajaynaynaa in Mogadishu City Club laga helo”waxaa Qalinle u sheegau guddomiyaha kooxda Abukar Yarow

Xidigaha kala ah Qeys,Santoos iyo goolhaye Maaney waa markii ugu horeesay oo loogu yeero waajibaadka xulka halka tirada kale ee soo hartay ay xulka horau u mataleyn in ka badan 2 jeer tartamada qaarada Afrika.

“Tano waxa ay ku timid xulshada tababaraha xulka Bashir Haydford,balse aniga waxaan aaminsanahay in sameeyay horkac wanaagsan waxaan taa ku mahadsan Allah iyo intii gacanta ka geesatay dadaalkii aan soo bixiyay”waxaa sidaas Qalinle Sports u sheegay goolhaye goolhaye Cabdiraxmaan.

“Sanadkii lasoo dhaafay goolhaye Cabdirxmaan waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u sareeya xitaa,isagoo ku guulaystay abaal marinta goolhayihii ugu wanaagsan M.M.C sanadkii lasoo dhaafay 2018 waxaan lee yahay horay u soco” waxaa sidaas yiri Abdulkadir Hagi Dacar oo ka mid maamulka M.M.C.

Maxamed Xuseen Qalinle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here