FC.Dakadaha Oo lakulantay Mucjiso ay Madaxa la Qabsatay. Hogaankiina Lagala Wareegay.

0
109
04/04/2019 Kismaayo: Kulan ka mid ah kulamada heerka 1-aad ee Horyaalka Kooxaha Jubbaland ayaa galabta garoonka waamo Ee Magaalada Kismaayo waxaa ku wada ciyaaray Kooxaha D/Hoose iyo Dakadaha.
 
Ciyaartan oo aheyd mid xiiso iyo Xamaasad gooni ah u laheyd taagerayaasha labada Kooxood ayaa qeybtii hore ee ciyaarta waxay kusoo dhamaatay Bar bardhac 0-0 ah
 
Balse Dhamaadka Qeybtii 2-aad ee ciyaarta ayaay wax waliba isbedeleen kadib markii Gool si qurux badan looga soo shaqeyay uu shabaqa ku hubsaday Kabtanka kooxda D/Hoose ee Fu’aad Nokia.
 
Waxaa mar qura isbedelay jawiga Garoonka waxayna taagerayaasha kooxda D/Hoose Bilaaween in ay sawaxan iyo qeeylo ku difaacdaan Goolka Madiga ah
 
Kooxda FC.Dakadaha oo umuuqatay galabta mid aan shabaqa in ay soo taabato looqorin ayaa awoodi weyday in ay xitaa la timaado Bar bardhac Waxayn difaacin weyday sii haysashada Hogaanka Horyaalka.
 
Kooxda Dowlada hoose ayaan galabta isku darsatay in ay guul gaarto iyo in ay la wareegto Hogaanka Horyaalka
Maalinba maalinta ka dambeeyso waxaa sii adkaanayo tartanka kooxahana waxay ku dagalamayaan hanashada Horyaalka
 
Maalinta berito ayaa waxaa wada ciyaari doona Kooxaha JCCI iyo Himilo.
 
Si aad ula socoto Kala sareynta kooxaha iyo warar dheerad ah oo la xiriira arimmaha Sports-ka Fadlan soo booqo https://jufasports.com
 
 
W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here