FC.Dakadaha Oo Hogaanka Horyaalka Kooxaha Jubbaland Sii Dheereysatay.

0
188

22/03/2019 Kismaayo: Tartanka Horyaalka kooxaha Jubbaland ayaa galabta laciyaaray lugta 1-aad kulankii 3-aad Kooxda FC. Dakadaha ayaa galabta afka ciida u dartay kooxda JCCI.

Ciyaar adag oo dhaxmartay labada kooxood ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku soo dhamaatay 1-2 Oo ay ku hogaamineysay Kooxda JCCI.

Markii laysku soo labtay qeybtii labaad ee ciyaarta isku dayo iyo dadaalo badan oo ay sameeysay kooxda FC.Dakadaha ayaa waxay heleen 2 gool oo kale kuwaa oo natiijada ciyaarta ka dhigay 3-2.

FC.Dakadaha ayaa noqotay kooxda kaliya ee intii 2 gool lagalala hormaray hadana guul kala tagay garoonka. Kulankii Dhaxmaray iyaga iyo Himilo ayaa 2 inta looga hormaray qeybtii hore ee ciyaarta ayaay 5 ku bedleen.

kulanka galabta waxaa Garsoore ka ahaa Siciid Cabaas. waxaa uuna caarka casaanka Ama (Red card) siiyay mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda FC,Dakadaha.

Tartanka Horyaalka kooxaha Jubbaland ayaan noqonaya mid maalinba maalinta ka dambeysa sii adkaanayo waxaana galab kasta usoo daawasho taga kumanaan taageroyaal ah

W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here