Dhaawacii Lionel Messi Oo Khasaare Lacageed Oo Weyn Soo Gaadhsiiyey Xulka Qaranka Argentina

0
141

Argentina ma waayi doonto Lionel Messi oo kaliya ciyaarta saaxiibtinimo ee ay Arbacada ka hor tegayaan Morocco, laakiin sidoo  kale waxa soo gaadhi doona khasaare lacageed oo badan.

Lionel Messi ayaa dib ugu laabtay kooxdiisa Barcelona kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii saaxiibtinimo ee Venezuela ay garoonka Estadio Wanda Metropolitano kula yeesheen Sabtidii, taas oo reer Argentina ay kasoo gaadhay guul-darro weyn.

Ciyaartoyga xulka qaranka Argentina ayaa markii uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka, waxay ka baxeen garoonka iyagoo madaxa is haya oo niyad-jabsan, hase yeeshee inyar kaddib ayay xaaladdu kasii dartay markii uu xidhiidhka kubadda cagta ee dalkaasi ku dhawaaqay in Messi uu dhaawac soo gaadhay, isla markaana aanu safan doonin kulanka saaxiibtinimo ee Morocco.

Arrintan waxa ka hadlay xidhiidhka kubadda cagta Morocco oo dalbaday faahfaahin dheeraad ah in laga bixiyo maqnaanshaha Lionel Messi, hase yeeshee wax jawaab ah oo laga siiyey ma jirto.

Haddaba maqnaanshaha Messi ayaa waxa ay Argentina ku waayi doontaa lacag dhan 450,000 Euro, taas oo ay heli lahaayeen haddii uu Lionel Messi u ciyaari lahaa.

Sida uu qoray wargeyska Al Ahdaz al Magrebiya ee kasoo baxa dalka Morocco, xidhiidhka kubadda cagta Morocco ayaa siin doona Argentina lacag dhan 550,000 Euro oo kaliya, halkii ay ka bixin lahaayeen 1 milyan oo Euro, balse shuruudda ahayd in Messi uu ciyaartan safto ayaa uu kasoo bixi waayey xulka Argentina, waxaana sidaas ay ku waayayaan lacagtaas.

Heshiiska labada dal kala saxeexdeen ayaa waxa ku jiray qodob dhigayay in Lionel Messi uu ciyaaro ugu yaraan 70 daqiiqadood, waana qodob ay dad badan dhalleeceeyeen, hase yeeshee ugu dambayn xiddiga Barcelona ayaa dhaawacmay oo ka baxay safka, sidaas ayaanu khasaarahaasi ugu yimid reer Argentina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here