Dekedaha Football Club Oo Kali Noqotay Hogaanka Horyaalka,Iyo Elman-Sports Club Oo Barbaro Lagu Celiyay

0
87

Garoomada kubbadda cagta Banaadir iyo Jamaacdaha ee ku kala yaal degmooyinka Cabdicasiis Iyo Hodan ayaa waxa lagu kala dheelay labo kulan oo ka tirsan horyaalka Somalia Premier League waxaana kuwada ciyaaray kooxaha kala ah Dekedaha Football Club da iyo Midnimo Football Club Elman-Sports Club & Madbacada Qaranka

Kooxda horyaalka Somalia Premier League xafidanaysa ee Dekedaha Football Club ayaa guul muhiim ka gaaray wiilasha Midnimo,iyagoo labada dhinac ay ciyaar xiiso badan ku qaateen garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan waxaana xidigaha Dekedda ay ku adkeen 1-0 waxaana goolka u dhaliyay laacib Abdi Aziiz Catoosh.

Kulanka waxaa dhex dhexaadiye ka ahaa Garsoore Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Calanhayaha 1aad waxa uu ahaa Axmed Cabdullahi Faarax,halka garsooraha 2aad ee ciyaarta uu ahaa macallin Aadan Cilmi Maxamed.

“Wow waxa ay aheyd ciyaar cajiib,balse hadafkeena waxa uu ahaa in aan sii dheeraysano hogaanka horyaalka,Allah ayaa ku mahadsan oo inoo sahlay guushan” tani waxa ay nagu dhiiri-gelinaysaa in aan u socono horay”waxaa Qalinle Sports u sheegay xirfadyahan Abdi Aziiz Catoosh.

Geesta kale kooxda jaalayaasha ee Elman-Sports Club ayaa iyagana kulan adag la qaatay xidigaha Madbacada Qaranka waxaana kulan martigeliyay garoonka Banaadir ee degmada Cabdicasiis Iyadoo qeybta 1aad dheesha lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku hayeen ciyaartooyda Madbacada Qaranka waxaana goolka cajiib ah u dhaliyay Bile Muxudiin Buraale.

Markii leysku soo laabtay qeybta 2aad Elman-Sports Club ayaa heshay gool waxaana u ansixiyay kabtan Maxamed Xasan Cali wuxuuna kulanka kusoo dhamaatay barbaro 1-1.

Kulanka waxaa dhexdhexaadiye ka ahaa Siyaad Cali Xuseen,Calanhayaha 1aad Suleiman Bashir Sheikh ,Calanhayaha 2aad uu ahaa Mowliid Raage Xuseen

Maxamed Xuseen Qalinle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here