D/Hoose Oo Maaro u weyday JCCI Oo Afar Ciyaarto Muhiim u ah ay ka maqnaayd

0
128

12/04/2019 Kismaayo: Waxaa garoonka Waamo ee magaaladda Kismaayo lagu ciyaaray kulan ka mid ah kulamadda Horyaalka Kooxaha heerka 1-aad ee Jubbaland.

Kulankii 5-aad ee lugta 1-aad horyaalka ayaa galabta waxaa wada ciyaaray kooxaha D/Hoose iyo JCCI. Ciyaar adag oo dhax martay labada kooxood ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku soo dhamaatay 1-2 oo ay ku hogaamineyso kooxda JCCI.

Markii laysu soo labtay qeybtii dambe ee ciyaarta kooxda JCCI ayaa la timid goolkoodi 3-aad kaa oo soo afjaray hankii ay kooxda D/Hoose ka laheyd hanashada hoggaanka Horyaalka .

balse dhamaadka ciyaarta ayaay la yimaaden Goolkoodi labaad iyagoona awoodi waayay in ay difaacdaan Unbeaten-ka waxayna ciyaarta ku dhamaatay 2-3 oo ay guusha ku raacday kooxda JCCI.

Guuldarada soo gaartay kooxda D/Hoose ayaan marnaba la saadaalineeyn waayo kooxda JCCI Waxaa ka maqnaa 4 ciyaarto oo Muhiim u ahaa kooxda kuwaa oo ku maqnaa ganaaxyo oga yimid dhanka Xiriirka ka dib markii ay galeen Qaladaad.

Hadaba 6-da Kooxood ee Horyaalka Kooxaha Jubbbaland ayaan jirin Koox aan soo dhadhamin xanuunka guuldarada Waxaana galabta u dambeysay kooxda D/Hoose

Goolasha galabta ay guusha ku gaaren kooxda JCCI waxaa shabaqa ku hubsaday labadda weeraryahan ee loo maaro la yahay Kalaay iyo Axmeey. halka labada gool ee D/hoose ay dhaliyeen Muuse iyo Bashiir

Si aad ula socoto Kala sareynta kooxaha iyo warar dheerad ah oo la xiriira arimmaha Sports-ka Fadlan Marwalba soo booqo https://jufasports.com

W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here