Claude Makelele oo aragtidiisa ka dhiibtay wararka xanta ah ee ku aadan in Real Madrid ay sameyn doonto saxiixyada Pogba iyo Hazard

0
46

(Spain) 25 Abriil 2019. Xidigii hore Real Madrid ee Claude Makélélé ayaa ka hadlay fikirkiisa kaga aadan dib ugu soo laabashada Zinedine Zidane ee kooxda Los Blancos,

Sidoo kale halyeeyga kubadda cagta dalka France ee Claude Makélélé ayaa ka hadlay qorshayaasha kooxda Real Madrid ee suuqa kala iibiga ciyaartoyda.

“Zidane waa tababaraha ugu fiican ee ku haboon inuu hogaamiyo kooxda Real Madrid, waa arin fiican”.

Intaas kaddib Claude Makélélé ayaa aragtidiisa ka dhiibtay wararka xanta ah ee lala xiriirinayo xidigaha Paul Pogba iyo Kylian Mbappé kooxda ka dhisan caasimada Madrid ee Real Madrid.

“Waan jeclahay labada ciyaaryahan, haddii ay suuragal tahay in la wada sameeyo saxiixyadooda waxay noqon doontaa arin fiican, laakiin  way adag tahay, sababtoo ah waxaan qabaa in PSG aysan sii deyn doonin Mbappé xiligan la joogo”.

“Waxaan u maleynayaa in Pogba uu hadda yahay dooqa ugu fiican ee ku haboon kooxda Real Madrid, Manchester United waa inay wax walba sameysaa, laakiin Real Madrid waxay ku fiican tahay soo xero galinta xidigaha waa weyn”.

‘Eden Hazard wuxuu wajahayaa dhibaato la mid ah tan Paul Pogba, kooxda Chelsea waa inay wax walba sameyso, haddii uu yimaado Real Madrid, xaalada way isbadali doontaa, sababtoo ah wuxuu yeelan doonaa saaxiibo badan ee tayo leh, wuxuu lahaan doonaa door kale ee gaar ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here