Ciyaartoyda Jubbaland oo Bogaadiyay Hanaanka Shaqo ee Xiriirka Sports Jubbaland.

0
29

29 April 2019 Kismaayo: Kulan ay isugu yimaaden dhamaan ciyaartoyda kooxaha Heerka 1aad Heerka 2aad iyo Heerka 3aad ayaa caawa ka dhacay Garoonka Kubbada Cagta ee Waamo

kulankaan oo ahaa mid qaas u ah ciyaartoyda Jubbaland ayaa waxay kaga hadleen kuna bogaadiyeen hannaanka quruxda badan ee ay Tartamadu usocdaan

Kulanka markii uu soo dhamaaday ka dib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay qaar ka mid ah kabtanada Kooha iyagoona dareenkooda ku cabiray sida ay ula dhacsan yihiin wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeyso iyaga iyo Xiriirka Sports-ka Jubbaland.

“Xili waxaan soo marnay xitaa uusan jirin midkeen in uu helo Funaanadaha Maaliyadaha ee lagu ciyaaro balse haatan waxaa kama fikirno waayo waxaa Marwalba nala garbtaagan Xiriirka Sports-ka Jubbaland. Waana arin ubaahan in laga mahad celiyo” Waxaa sidaa yiri Kabtanka Kooxda Himilo ee Yaxye Salweye.

Kabtanka Kooxda JBC ee Cabdi Yuuq ayaa dhankiisa ku dheeraday marxaladahii uu Xiriirka Sports-ka Jubbaland. soo maray Waxaa uuna Hoosta ka xariiqay isagoo ku hadlaayay afka ciyaartoyda kooxaha jubbaland in ay marwaliba ku qanacsan yihiin sida wanaagsan ee ay wax uwadaan Xiriirka Sports-ka Jubbaland.

” Waxa jira war been abuur ah oo baryana laysla dhaxmarayay baraha bulshadda oo ah in kooxda Kisima Sera (B) la geeyay balse waxan qirayaa in fasamo xumo dhaxdeena ah an ku tagnay heerka labaad ee Sera (B)” sidaa waxaa yiri Kabtanka Kooxda Kisima Siciid Kaarig.

Gaba gabadii kulanka dhamaan kooxahu waxay isku raacen. la shaqeeynta Xiriirka Sports-ka Jubbaland. iyo kashaqeynta horumarinta Sports Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here