Brazil, Mareykanka & Mexico Oo Xalay Koobab Caalami Ah Ku Kala Guuleystay

0
7

Xulka Brazil ayaa markii 9aad xalay ku guuleystay Copa America ka dib markii ay 3-1 ku garaaceen ciyaartii finalka xulka Peru iyadoo Gabriel Jesus casaan laga siiyay ciyaarta oo 20 daqiiqo harsan.

Everton ayaa hogaanka u dhiibay xulka Samba ka hor inta aysan Peru ku barbareynin gool rigoore ahaa uu u saxiixay Jose Paolo Guerrero, laakiin Gabriel Jesus ayaa hogaanka ku soo celiyay wax yar ka hor waqtigii nasashada.

Jesus ayaana jaale labaad loo taagay ciyaarta oo 20 daqiiqo ka harsan, laakiin Brazil ayaa goolka seddexaad heshay daqiiqadii 90aad oo uu u saxiixay Richarlison.

Dhanka kale xulka dumarka Mareykanka ayaa taariikh sameeyay iyagoo noqday wadankii labaad ee difaacday Koobka Adduunka Dumarka ka dib markii ay ciyaartii finalka ee shalay ay 2-0 ku garaaceen xulka Netherlands iyadoo finalka lagu qabtay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.

Netherlands ayaa iska caabisay USA ilaa iyo daqiiqadii 60aad laakiin rigoore lagu dhigay markii la eegay muuqaal caawiyaha VAR ayay Mareykanka hogaanka ku qabteen ka hor inta aysan Rose Lavelle u dhalinin goolka labaad ee ciyaarta dilay.

Mareykanka markii afaraad ayay si rikoor ah ugu guuleysteen Koobka Adduunka Dumarka afar sannadood ka dib markii ay Canada ku qaadeen sannadii 2015, waxaana ay noqdeen xulkii ugu horeeyay tan iyo Germany sannadii 2009 ee difaacda Koobka Adduunka.

Dhanka kale xulka Mexico ayaa ku guuleystay Koobka Bartamaha Iyo Waqooyiga America ee Gold Cup iyadoo ciyaartii finalka ay 1-0 ku dubteen xulka Mareykanka ee uu ka dhex muuqday xiddiga Chelsea Christian Pulisic.

Goolka qura ee ay Mexico ku qaaday koobka waxaa ciyaarta oo 10 daqiiqo ka harsan u dhaliyay Jonathan dos Santos. Mexico ayaana markii sideedaad ku guuleysatay Koobka Gold Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here