Bernardeschi Oo Ka Sii Dayriyey Ganaaxa Lala Maagan Yahay CR7

0
158

Laacibka ay isku kooxda yihiin Cristiano Ronaldo ee Federico Bernardeschi ayaa kasii qayliyey ganaaxa la sheegay in UEFA ay la maagan tahay xiddiga reer Portugal kaddib markii lagu furay dacwad ka dhan dabbaal-deggii uu sameeyey kaddib saddexleydii uu ka dhaliyey Atletico Madrid.

UEFA ayaa shaacisay inay kiis anshax xumo ah ka furtay Ronaldo, isla markaana ay go’aan kasoo saari doonto dhawaan, hase yeeshee lama sii qiyaasin inuu noqon doono ganaax lacageed sidii Diego Simeone oo kale iyo in kulamada Champions League ee soo socda dibedda laga dhigi doono.

Federico Bernardeschi oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu kaga hadlayey xulka qaranka Italy oo ciyaaro ka tirsan isreeb-reebka Euro 2020 yeelanaya usbuuca soo socda, ayaa waxa uu ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey saaxiibkii Cristiano Ronaldo.

“Waa wax aanan ku fikiraynin inaan sii eego. Ganaaxu wuxuu noqon doonaa mid waalli ah.”  Sidaas ayuu yidhi Federico Bernardeschi.

“Waxay ila tahay inay halkaa ku dhamaan doonto, waxay ahayd dabbaal-deg iyo tilmaan. Waxaan arkay isaga (Ronaldo) inuu deggan yahay oo raaxaysanayo sida aanu dhamaantayo nahay. Waxaan hubaa inay wax walba wanaag noqon doonaan.” Ayuu raaciyey.

Dhinaca kale, Bernadeschi waxa uu ka hadlay Ajax oo ay isku beegmeen wareegga siddeed dhamaadka, waxaanu yidhi: “Anagu hore ayaanu taariikh yar (ganaaricstii Atletico Madrid) usoo dhignay. Cristiano waa Champions. Wuxuu  na siiyey wax badan, wuxuu leeyahay astaamihii guusha, in maalin kasta aad garabkiisa joogtaana waxay kuu ogolaanaysaa inaad wax badan barato.”

Intaa kaddib, Federico Bernardeschi waxa uu ka hadlay ciyaaraha xulka qarankiisa Italy ee isreeb-reebka Euro 2020 oo ay la ciyaari doonaan Finland oo ay Sabtida ku martigelinayaan magaalada Udinese iyo Lichtensteiner oo ay magaalada Parma kula ciyaari doonaan March 26.

“Italy horumar wanaagsan ayay ka muujisay Nations League. Wali waxa naga dhiman xoogaa khibrad ah da’dayada oo yar awgeed, laakiin waxaanu ku taaganahay jidkii saxda ahaa ee loo marayay tartanka Qaramada Yurub.” Ayuu yidhi.

Ugu dambayn Federico Bernardeschi waxa uu soo bandhigay hammigiisa iyo ciyaaryahannada uu doonayo inuu sidoodii oo kale noqdo, waxaanu yidhi: “Waxaan rajaynayaa inaan noqdo mid ka mid ah astaamaha xulka sidii Paolo Rossi iyo Roberto Baggio oo waqti hore ahaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here