“Barcelona waxay ku sii socotaa inay ku guuleysato horyaalka La Liga” – Ramos

0
104

(Spain) 03 Maarso 2019. Daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa xaqiijiyay in Barcelona ay ku dhowdahay inay ku guuleysato horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Hadalka kabtanka kooxda Real Madrid ayaa wuxuu imaanayaa kadib guuldaradii 1-0 ahayd ay xalay kala kulmeen Barcelona kulankii La Liga ee El Clásico ay ku wada ciyaareen garoonka Santiago Bernabeu.

“Barcelona way naga fogaatay kadib ciyaarta El Clásico, Real Madrid waxaa ka maqan go’aaminta goolka hortiisa, waana waxa ay inooga fiican tahay kooxda Barcelona, kooxda aan gool dhalinin waa hubaal ianay la kulmeyso guuldaro”.

“Waa inaan hada ugu hambalyeynaa kooxda aan la ciyaarnay guusha ay gaareen, iyo sida weyn ay u ciyaareen”.

“Waxaan ciyaarnay labo kulan ee heer sare ah, awood ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba, taasi waxay nagu yeelatay saameyn, sababtoo ah si buuxda diyaar uguma aanan noqonin jir ahaan”.

“Waxaan sameenay fursado qaar, waxaan awoodnay inaan goolal dhalino, balse waan guuldareysanay, waxaan ka xunahay in Barcelona ay naga fogaatay farqi ahaan dhanka hogaanka”.

“Waa in aan wixii xiligan ka dambeeya diirada saarnaa tartanka Champions League, sababtoo ah kulanka soo aadan ee Arbacada waxay inooga dhigan tahay sida final oo kale”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here