Barcelona oo garoonkii xalay lagu xasuuqay ee Anfield uga dhex tagtay xiddigooda Messi

0
44

(England) 08 Maajo 2019. Liverpool ayaa xalay qortay taariikh lama ilaawaan ah kaddib markii ay 4-0 ku xaaqday Barcelona oo lugtii hore ee Semi final ka uga soo adkaatay 3-0.

Cid saadaalineysay ma jirin natiijadan waayo waxaa xitaa Reds ka sii maqnaa xiddigaha ay ku tashato ee Maxamed Saalax iyo Firmino, balse geesinimo ay muujiyeen xiddigihii fursada la siiyay kulankaan ayaa horseeday soo laabasho taariikhi ah.

Jahwareerkii xalay ku dhacay Barcelona waxay xitaa keentay in Baska kooxda uu Anfield uga dhex tago xiddigooda Lionel Messi oo markii dambe kaligiis soo baxay.

Xiddiga reer Argentina ayaa Anfield lagu mariyay tijaabooyin maandooriyayaasha ee ciyaartoyda ka mamnuuca ah isla markii uu kulanku dhammaaday.

Yeelkeede, Baska kooxda ayaa ka tagay oo toos u abaaray garoonka diyaaradaha maadaama lagu daahay tijaabooyinkii la marsiinayay sida uu wariyay warsidaha El Chiringuito.

Muuqaal la helay ayaa muujinaya Messi oo qalbi jab ka muuqda isla markaana kaligii ka soo baxaya Anfield, inkastoo markii dambe uu la midoobay saaxiibadiisa kooxda ka hor inta aysan Garoonka ka safrin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here