Barcelona Oo Dalab Cusub Ka Gudbisay Neymar Oo Isagu Jira Lacag & Ciyaartoy Waa Weyn Iyo Jawaabtii Ay PSG Ka Bixisay

0
31

Waxaa weli si dadban u socda wadahadalada u dhaxeeya kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain ee ku aadan saxiixa xiddiga reer Brazil Neymar, laakiin wadahalada ma ahan kuwa si toos ah u dhexmaraya labada kooxood, waxaa u kala dab qaadaya dalaaliin, sida ay saaka qortay jariirada AS.

Waxay sheegeen in Barcelona ay dalaaliin u dhiibtay dalab ay si toos ah ugu geeyaan madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi, waxaana uu dalabkaas ka koobnaa 40 milyan yuro oo kaash ah oo lagu daray labada xiddig ee kala ah Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele.

Barcelona Oo Dalab Cusub Ka Gudbisay Neymar Oo Isagu Jira Lacag & Ciyaartoy Waa Weyn Iyo Jawaabtii Ay PSG Ka Bixisay

Sida ay sheegtay wargeyska AS waxa uu dalabkaas ka careysiiyay Sheikh Al-Khelaifi kaasoo u arka

in dalabka uu yahay mid aad uga hooseeya waxa ay PSG dooneyso inkastoo uu madaxweynaha PSG diyaar u yahay inuu iska diro Neymar xagaagan.

Al-Khelaifi waxa uu doonayaa ugu yaraan inay soo ceshto lacagtii 222 milyan euro ee ay xiddiga reer Brazil uga soo iibsadeen Barcelona labo sannadood ka hor.

Dalaaliintii ay dhankooda soo direen ayaa u sheegay Barcelona inaysan PSG soo fariisan doonin miiska wadahadalka ilaa iyo Barcelona ay miiska soo saareyso dalab 300 milyan euro ah.

Waa lacag aysan Barcelona awoodin xitaa haddii ay ciyaartoy iibiso madaama ay u baahdeen inay lacag ka soo amaahdaan banki si ay ugu bixiyaan lacagtii ay ku burburiyeen qandaraaska Antoine Griezmann ee Atletico Madrid.

Waxaa intaas dheer mushaharka ciyaaryahanka uu ku qaato France oo kor u dhaafaya sannadkii 36 milyan euro. Inkastoo la sheegay inuu mushaharkiisa dhimayo haddii uu yimaado Camp Nou, hadana jariirada AS waxa ay sheegtay in howlgalka ay Barcelona ku dooneyso Neymar inuu yahay mid aysan dhaqaale ahaan awoodin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here