Ashley Young “Uma baahnin dhiirogelin dheeraad ah kulanka Manchester derby”

0
58

(England) 22 Abriil 2019. Ciyaaryahanka Manchester United ee Ashley Young ayaa sheegay in ciyaartoyda ay si buuxda u ogyihiin muhiimada ay u leedahay kulanka adag horyaalka Premier League ay habeenka Arbacada soo aadan kula ciyaari doonaan kooxda ay daris wadaaga yihiin Manchester City.

Manchester United ayaa shalay kala kulantay kooxda Everton guuldaro 4-0 ah, taasoo lagu tilmaamay inay tahay mid ka mid ah guuldarooyinkii ugu xumaa taariikhda ay kooxda Red Devils kala kulantay horyaalka Premier League.

Dhinaca kale macalinka reer Norwey ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ku qasbanaaday in uu raali galin u diro taageerayaasha kooxda Manchester United kahor kulanka ay la ciyaarayaan Manchester City Arbacada soo aadan.

Yeelkadeeda, Ashley Young ayaa kaddib guuldaradii Everton wuxuu ka hadlay kulankooda soo aadan ay la ciyaari doonaan kooxda Manchester City.

“Waxaan si wanaagsan ugu war qabnaa muhiimada uu inoo leeyahay kulanka adag soo aadan ee aan la ciyaari doono kooxda Man City”.

“Hadii aan ku guul dareysano inaan kor u qaadno qaab ciyaareedkeena si fiicana aan u ciyaarno, waxaan tixgelin doonaa in kooxda ay heysato dhibaato”.

“Laakiin waxaan rajeynayaa in kooxda ay diyaar u noqon doonto kulanka Arbacada, waa inaan markale si xoogan u dagaalanaa”.

“Waxaan heysanaa 4 kulan ee ka harsan xili ciyaareedka, waxay noqon doontaa loolan aad u adag, laakiin waxaan aaminsanahay awooddeena”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here